Hot Topics

Dad ka barakacay Degaano katirsan Gobalka Gedo

Dad Shacab ah ayaa ka barakacay duqeymaha Diyaaradaha Dowladda Kenya ay ka fulinayaan dhulka Miyiga ah ee ku yaalla deegaano ka tirsan Gobolka Gedo, kuwaas oo 24-tii saac ee la soo dhaafay xoogeystay.

Dadka oo isugu jira Caruur iyo Haween ayaa ka barakacay Degaanada Deeraq, Faxfaxdhuun, Daarusalaam, Ceel-Raam, Koolbaay, Buusaar & Cowsqurun, waxaana dadkaasi ay u barakaceen oo ay gaareen Magaalada Baardheere oo qiyaastii u jirta 250-KM halkii ay daganaayeen oo ay ka barakaceen.

Barakacayaashan oo la hadlay Warbaahinta ayaa sheegay in ay ka soo hayaameen Xaalado Abaareed iyo duqaymaha diyaaradaha Kenya ay ka gaystaan qaybo kamid ah gobolka Gedo, waxayna intaas ku dareen in laga laayey xoolihii ay dhaqan jireen, sidoo kalena laga jaray Isgaarsiintii ay ku tiirsanayd noloshooda.

Ugu dambeyn, Dadkan soo barakacay ayaa ka codsaday Dowladda Federaalka Soomaaliya inay la soo gaarto gar-gaar banni’aadanimo, xilli saddexdii sano ee la soo dhaafay gobolka Gedo ay haysatay abaaro ku habsatay dadkii duunyadii ku dhaqaneed Degaanadaas.