Hot Topics

DFS oo dib u fasaxday duulimaadyadii Kismaayo

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa si rasmi ah ugu dhawaaqday iany  fasaxday duulimaadyada rayidka ah ee Kismaayo iyo Muqdisho kaddib codsi uga yimid shacabka.

Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Warfaafinta Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ahna ku simaha Wasiirka Aadan Isaaq Cali ayaa ku dhawaaqday go’aanka soo baxay dowladda Soomaaliya ee ku aaddan duulimaadyada rayidka ah ee magaalada Kismaayo.

Sidoo kale, sheegay in hadda wixii ka dambeeya duulimaadyadda Kismaayo ay la mid noqon doonaan duulimaadyada magaalooyinka Soomaaliya.

Maamulka Hey’adda Duulista Hawada Soomaaliya ayaa horay guud ahaan ku dhawaaqday in la joojiyay diyaaraddaha Aada iyo kuwa ka yimaada Garoonka Magaalada Kismaayo muddo Saddex maalin ah, waxaana talaabadan ka dhashay xiisad Siyaasadeed oo gilgishay Villa Somalia.

Xibsiyadda Siyaasadda ee Dalka ayaa kahor yimid talaabada Dowladda Federaalku ay xayiraada ku saartay Kismaayo, waxaana qaar kamid ah Xildhibaanada labada aqal ee BFS ay ku tilmaameen khiyaano Qaran.

Madaxweynaha Dowladda Puntland Dr. Siciid C/llaahi Deni, ayaa sidoo kale sheegay in Hawada Soomaaliya aysan aheyn albaab qof lee yahay oo markuu doono uu xirto, isagoona uga digay Madaxda DFS inay ku takri falaan awooda Qaranka.