Hot Topics

Golaha Aqoonyahanada Puntland oo u jawaabay Sheekh Eedeeyay Dowladda (Akhriso)

Golaha Aqoonyahada Puntland ayaa War-saxaafadeed kasoo saaray Khudbad uu jimcihii shalay (18-October-2019) uu ka jeediyay Masjidka Al-Hudda ee Magaalada Garoowe ee Caasimadda Puntland Sheekh Mukhtaar Axmed Faarax, kaas oo eedeyn u jeediyay Xukuumadda Dowladda Puntland ee uu hoggaamiyo Madaxweyne Dr. Siciid C/llaahi Deni.

Golaha Aqoonyahanada Puntland ayaa si kulul u dhaliilay Khudbadaas, iyagoona sheegay inay baal-marsaneyd Anshaxa iyo Ujeeddooyinka Jimcaha iyo Masjidka kale, sidoo kalena ay mab’da ahaan kasoo hor-jeeday heshiiska bulshada Reer Puntland iyo Guud ahaan Soomaalida.

Sidoo kale, Golaha Aqoonyahanada ayaa sheegay inaan laga yeeli doonin qofna inuu guriga alle waxaan u munaasab aheyn uu uga hadlo, iyagoona intaas ku daray in qofkii cid mucaaradaya loo baahan yahay inuu bulshada kala hadlo goobaha loogu tala-galay, sida Warbaahinta.

Ugu dambeyntii, Golaha Aqoonyahanada Puntland ayaa ugu baaqay Wasaaradda Cadaaladda iyo Arrimaha Diinta iyo Culimada reer Puntland inay naqdiyaan, kana hor-tagaan dhaqamada Ugub ee lala soo galay Guriga Eebbe.