Hot Topics

Kulan dhexmaray Deni iyo Dhoobo oo is afgaran waa kusoo idlaaday

Way kulmeen Deni iyo Dhoobo maanta oo way isla qadeeyeen,balse laysma afgaran.

Maalinka beri foog ah kalfadhiga Baarlamaanka waxaa horyaala Mooshin xilka looga xayuubinayo Gudoomiye Dhoobo.

Xarunta Baarlamaanka waxaa la geeyay Ciidamo xoojin amaan ah,balse Dhoobo oo ka cawday darteed dib ,ayaa looga soo qaaday.

Masuuliyiin aan la xiriiray waxay iisheegeen in Ciidamadu utageen xarunta Baarlamaanka xoojin amaan markii hore dibna loogu soo celin doono beri subax.

Xaalada caasimada way degan tahay kalfadhiga Baarlamaankuna waxuu ufurmi doona si caadi ah hadii rabi idmo.