Hot Topics

Kalafadhiga 46-aad ee Baarlamaanka Puntland oo Goor-dhow furmaya

Kalafadhiga 46-aad ee Golaha Wakiilada Dowladda Puntland ayaa lagu wadaa inuu Goor-dhow ka furmo xarunta Baarlamaanka ee Magaalada Garoowe ee Caasimadda Puntland.

Madaxweynaha Dowladda Puntland Dr. Siciid C/llaahi Deni, ayaa furay Kalafadhiga, sida uu qabo Dastuurka Dowladda Puntland, isagoona ka jeedin doona Khudbad ku aadan Waxqabadkii Xukuumaddiisa iyo Caqabadaha horyaalla.

Inta badan Xildhibaanada Golaha Wakiilada Dowladda Puntland oo muddooyinkii ugu dambeeyay safari ku marayay Degaanada ay kasoo jeedaan iyo kuwa kale ee Guddiyada ay katirsan yihiin kormeerayeen, ayaa ku sugan Garoowe.

Xiisado Siyaasadeed ayaa hareeyay furashada Kalafadhigan 46-aad ee Baarlamaanka Puntland, iyadoona ay jiraan Mooshino is-daba yaacaya oo laga waddo xubno kamid ah Xukuumadda Madaxweyne Deni iyo Hay’adaha kale ee Dowladda.

Wixii kasoo kordha Kala soco Idil News