Hot Topics

Gaalkacyo: Wararkii ugu dambeeyay ee dilka Taliyihii Ciidanka Tarafikada Gobalka Mudug ee Puntland

Ciidanka ammaanka Dowladda Puntland ayaa saaka howlgallo balaaran ka wada Magaalada Gaalkacyo ee xarunta Gobalka Mudug, kaddib dil xalay magaaladaas loogu geystay Taliyihii Ciidanka Ilaalada Waddooyinka ee Gobalka Mudug Maxamed Faarax Cowl.

Dilka Taliyihii Ciidanka Tarafikada Gobalka Mudug ee Puntland ayaa waxaa fuliyay dabley hubeysan, kuwaas oo ka baxsaday Goobta dilka oo aheyd Bartamaha Magaalada Gaalkacyo.

Ciidanka Ammaanka Magaalada Gaalkacyo ayaa inta badan howlgalada ka wada Xaafada garsoor, iyagoona beegsanaya aagag gaar ah, sida ay sheegeen Dad Goobjoogayaal ah.

Magaalada Gaalkacyo ee Xarunta Gobalka Mudug ayaa todobaadyadii ugu dambeeyay waxaa ka dhacayay falal Amniga lidi ku ah, iyadoona todobaadkii hore lagu dilay Magaalada Taliyihii Kastamyada Gobalka Mudug ee Puntland Xasan Weyne.

Illaa iyo hada Ma jirto wax war ah oo kasoo baxay Hay’adaha Amniga Puntland ee Gobalka Mudug, kaas oo ku aadan falalka ammaan-darro ee dib uga bilowday Magaalada oo bilihii ugu dambeeyay uu Amnigeedu wacnaa.