Hot Topics

Boosaaso: Ciidanka Puntland oo qabtay Hub fara-badan+VIDEO

Taliska Qeybta Booliska Gobalka Bari oo ay Wehliyeen Ciidanka Birmadka Booliska Puntland ayaa Magalada Bosaaso ee Xarunta Gobolka Bari waxaa ay ka Sameeyeen howlgal qatay mudo Sideed Saacadood ah.

Howlgalkaas ayaa saraakiisha hoggaamineysa waxaa ay sheegeen in  Ciidamada kusoo Qabteen Hub sharci-darro ah, tahriibayaal iyo Khamri, iyada oo saraakiishu sheegeen in uu u dhacay howlgalka sidii ay ugu talo galeen.

Taliyaha Qeybta Booliiska Gobalka Bari G/Sare Xuseen Cali Maxamuud ayaa sheegay In Howlgalkaan uu sii socon doono, isaga oo uga mahadceliyay qeybaha Bulshada Gobalka Bari,waxaana kula dardaarmay in ay Gacansiyaan Ciidamada Puntland si loo xaqiijiyo Amniga Guud ahaan Magaalada Boosaaso.