Hot Topics

Madaxweynaha Somaliland oo xil ka qaadis iyo magacaabis sameeyay+Akhriso

Wareegto ka soo baxday xafiiska madaxweynaha Soomaaliland Muuse Biixi Cabdi ayaa waxaa xilalka looga qaaday xubno ka tirsan wakiillada Soomaaliland u fadhiya dibadda .

Wareegtadan  oo ku kala summadaysnayd JSL/XM/XKQ/222/1-378/112019 iyo JSL/XM/WM/222-379/112019, ayuu sidoo kale madaxweynuhu waxa uu xilal ugu magacaabay xubno kale, waxa ayna u dhignayd sidan:-

Wareegtooyin Madaxweyne

XIL KA QAADIS

Ku: Maxamuud Cabdi Dacar

Wakiilkii hore ee Somaliland ee Midowga Yurub

Ku: Ayaan Maxamuud Maxamed

Wakiilkii hore ee Somaliland ee Dalka Boqortooyada Ingiriiska

Ku: Sulub Warsame Xuseen

Wakiilkii hore ee Somaliland ee Dalka Norway

Ku: Cabdalla Muuse Axmed

Wakiilkii hore ee Somaliland ee Dalka Boqortooyada Sucuudi Carabiya

Ku: Cali Maxamed Axmed

Wakiilkii hore ee Somaliland ee Dalka Yaman

Og: Yaasiin Xaaji Maxamuud Xiir

Wasiirka Arrimaha Dibedda iyo Iskaashiga Caalamiga ah.

Ujeeddo: Xil Ka-qaadis

Mudanayaal iyo Marwo,

Sida aad la socotaan, xilka qaranka ayey dabcigiisa tahay in uu meerto noqdo, oo hadba loo igmado ciddii hanan karta. Sidaa darteed, waxaan gartay in laga bilaabo taariikhda maanta aan idinka qaado xilkii aad u hayseen Qaranka. Waxaan idiinka mahad-celinayaa muddadii aad hayseen xilka Qaran.

MAGACAABID

Markaan Arkay: Dastuurka Somaliland, Qodobka 90aad;

Markaan Tixgeliyey: Ahmiyadda Wakiillada Dibedda ee Somaliland u leeyihiin dhismaha Qaranka;

Markaan Arkay: Aqoontooda, Kartidooda iyo Waaya-aragnimadooda;

Markaan ku Qancay: In ay Hannan Karaan Masuuliyadda ka Dhalanaysa Xilalkan;

Markaan Sameeyey: La-tashi;

Waxaan Go’aamiyey;

In laga bilaabo taariikhda maanta aan xilalkan u magacaabo masuuliyiintan:

1. Salaan Xasan Kayd Cabdille Wakiilka Somaliland ee Midowga Yurub.

2.Cabdi Cabdillaahi Xirsi Maxamed Wakiilka Somaliland ee Boqortooyada Ingiriiska.

3. Yuusuf Maxamed Guuleed Boodhle Wakiilka Somaliland ee Dalka Itoobiya.

4. Maxamed Maxamuud Aadan Samatar Wakiilka Somaliland ee Dalka Norway.

5.  Mustafe Yuusuf Ismaaciil Cali Wakiilka Somaliland ee Dalka Jarmalka.

 6.Axmed Jaamac Xasan Shire Wakiilka Somaliland ee Dalka Koonfur Afrika.

7. Cali Axmed Cismaan Wakiilka Somaliland ee Dalka Sucuudi Carabiya.

8. Barkhad Maxamuud Kaariye Samatar Wakiil Ku-xigeenka Somaliland ee Dalka Itoobiya

9. Axmed Cali Salaad Maxamed Wakiilka Somaliland ee Dalka Yaman.