XOG: Guddoomiyaha Baarlamaanka Puntland oo dalbaday Lacag si uu isku casilo

Xogo dheeraad ah ayaa kasoo baxaya Mooshin ka dhan ah Guddoomiyaha Golaha Wakiilada Dowladda Puntland Cabdixakiin Maxamed Axmed (Dhoobo-daareed), kaas oo ay wadaan Mudanayaal katirsan Golaha Wakiilada Puntland.

Mooshinkan oo ay dabada ka riixayso Madaxtooyadda Dowladda Puntland ayaa hadal-heyntiisu taagneyd tan iyo wixii ka horeeyay furitaanka Kalafadhiga 45-aad ee Baarlamaanka Puntland oo furmay 26 bishii hore ee October, wallow ay jireen dadaalo ay wadeen Isimo iyo Siyaasiyiin oo la doonayay in la isugu soo dhaweeyo Guddoomiyaha iyo Xubnaha labada Gole ee is khilaafsanaa muddooyinkii ugu dambeeyay.

Abaabulka Mooshinkan oo horey uga Madax-banaana Madaxweyne Deni ayaa dhowaan waji kale yeeshay kaddib markii Guddoomiye Dhoobo-daareed uu ka dhaga adeegay Talooyin uga yimid Madaxweynaha, sidoo kalena uu Deni ku eedeeyay inuu tuhmayo inuu isugu ka dambeeyo Mooshinka.

Wararka ayaa sheegaya in Mooshinkan ka dhanka ah Guddoomiye Dhoobo-daareed ay saxiixeen 31 Xildhibaan, lana filayay in todobaadka soo socota loo gudbiyo Guddoomiye ku-xigeenkiisa.

Sidoo kale, Ilo-wareedyo ayaa sheegaya inuu jiro Wada-hadal u socda Madaxtooyadda iyo Guddoomiye Dhoobo, isagoona dalbaday in la siiyo dhaqaale si uu isku casilo, iyadoona ay jiraan kulamo ka socda Madaxtooyadda oo looga hadlayo dalabka Mr. Dhoobo-daareed.

Si kastaba ha ahaatee, Guddoomiye Dhoobo-daareed ayaa fasax Saddex maalin ah maanta galiyay Xildhibaanada Golaha Wakiilada, iyadoona talaabadaas ay u muuqato mid uu doonayo inuu isaga yeero culeysyada saaran.

Wixii kasoo kordha kala soco Idil News.