Kuwait oo ballan-qaaday inay gurmad soo gaarsiinayso Dadka Fatahaaduhu saameeyeen+Sawirro

Madaxda Safaaradda Soomaaliya ee Dalka Kuwait oo uu horkacayo Danjire Cabdullahi Maxammed Odowaa ayaa kulan laqaatay Madaxda ugu sarreysa Bisha-Cas ee Dalkaasi.

Kulanka ayaa ku saabsanaa sidii ay hay’adda Bisha Cas ee Dalka Kuwait ugu qeyb qaadan lahayd gurmadka caalamiga ah ee lagu taakuleynayo Dadkii ay waxyeelladu kasoo gaadhay Roobabka iyo fatahaadaha Webiyada Jubba iyo Shabeelle.

Hay’adda Bisha Cas ee Dalka Kuwait ayaa lagu wadaa in ay gargaar  soo gaarsiiso qoysaska ay saameeyeen  fatahaadaha gaar ahaan musiibada ka taagan Magaalada Beled-Weyne ee Gobolka Hiiraan.

Bisha Cas ee Dalka Kuwait oo ka jawaabeysa codsiga Safaaradda Soomaaliya ee Dalkaasi ayaa waxay ballan qaadday in ay si deg-deg ah wax ugu qaban doonto xaaladda fatahaadaha ku dhuftay Soomaaliya.