Hot Topics

Dibadbaxyo rabshado wata oo ka bilowday Iran

Dibadbaxyo rabshado wata ayaa ka bilowday magaalooyin ku yaala dalka Iran waxaana dibad baxayaashu cabasho ka yihiin qiimaha shidaalka oo aad u kacay.

Dibadbaxayaasha ayaa xiray dhawr xarumood oo shidaalka lagu iibiyo kuwaas oo diidan sida uu u kacay sicirka shidaalka dalkaas.

Magaalooyin ku yaala bartamaha dalka Iran ayaa ah halka ugu badan ee dadka dibadbaxaya ay iskugu soo baxeen.

Qiimaha shidaalka ayaa sare u kacay 50% gudaha dalka Iran.