Hot Topics

Mareykanka oo digniin u diray sarkaalka duulaanka ku ah Tripoli

Dawladda Maraykanka ayaa uga digtay sarkaalka ku duulay dawladda Libya ee la aqoonsanyahay inuu sii wado dagaalka.

War ka soo baxay aqalka cad ee Maraykanka ayaa lagu sheegay in xukuumadda Washington ay ka walaacsantahay xaaladda Libya, si gaar ah duulaanka uu ku hayo sarkaalka la yiraahdo Jeneraal Khaliifa Haftar.

Afhayeen u hadlay aqalka cad ee Maraykanka ayaa sheegay inay taageerayaan dawladda la aqoonsanyahay waxaana uu intaa ku daray in maleeshiyaadka uu wato Jeneraal Haftar ay tilaabo ka qaadayaan haddi ay dagaalka sii wadaan.

Warkaan waxaa sidoo kale lagu sheegay in dawladda Rushka ay ku lug leedahay colaada Libya ka taagan ayagoo taageeraya sarkaalka ku duulay caasimada dalkaas ee Tripoli.

Warbixin dhawaan lagu qoray wargeyska New York Times ayaa lagu sheegay in ciidamada uu wato sarkaalka la yiraahdo Khaliifa Haftar ay taageero ka helaan dawlado ay ka mid yihiin Imaaraatka Carabta, Masar iyo Rushka.