Hot Topics

Madaxweyne ku-xigeenka Jubbaland oo kulamo ka wada Gobalka Gedo-Sawirro

Madaxweyne ku xigeenka Dowlad Goboleedka Jubbaland Mudane Maxamuud Sayid Aadan iyo wafdi uu hogaaminayo oo ku sugan degmadda Ceelwaaq ayaa la kulmay ciidanka Daraawiishta Jubbaland ee degmadda Ceelwaaq iyo saraakiishooda.

Sidoo kale saraakiisha hawlgalka nabad ilaalinta AMISOM ee ku sugan Ceelwaaq ayuu kulan la qaatay madaxweyne ku xigeenka Jubbaland.

Qeybaha kala duwan ee Bulshadda Ceelwaaq ayaa kamid ah dadka kulanka lala qaatay waxaana laga wada hadlay sidii loo xaqiijin lahaa midnimada iyo xasiloonida dadka Jubbaland.

Mudane Maxamuud Sayid ayaa sheegay in uu tegayo dhammaan degmooyinka Gobolka Gedo halkaas oo uu kula kulmayo qaybaha kala duwan ee bulshadda iyo saraakiisha ciidanka Jubbaland.