Hot Topics

CC Warsame: Walwal ayaan ka qabnaa in Dalka ay ka dhacdo Doorasho loo dhan yahay+VIDEO

Hoggaamiyaha Xisbiga Wadajir Cabdiraxmaan Cabdi Shakuur Warsame, ayaa sheegay in xilligaan ay walwal & cabsi ka qabaan inay dalka Soomaaliya ka dhacdo doorasho loo dhan yahay.

CC Warsame ayaa sheegay in walwalkaas uu ku yimid in waqti yar ay dowladda Soomaaliya madaxdeeda uu u haray hadana aysan muuqan qorsho ay ay Madaxda Dowladda u dejiyeen doorashada soo socota.

“Waxaan qabnaa walwal doorasho waayo waqtiga sanad iyo waxyar ah ayaa u harsan madaxda dowladda welina lama wadaagin dadka Soomaaliyeed sida ay doorashada ku dhici karto noomana muuqato in qof iyo cod dalka ka dhacdo ayuu yiri” Cabdiraxmaan Cabdi Shakuur.

Isaga oo la hadlayay idaacadda Voa-da ayuu sheegay in Madaxda Dowladda Soomaaliya uu qorshahoodu yahay inay sameeyeen mudo kororsi taasina ay u keentay walwalka dhinaca doorashada ah oo ay qabaan.

Ugu dambeyntii, C/rixmaan C/shakuur Warsame ayaa ugu baaqay Madaxda Dowladda Federaalka inay joojiyaan dagaalka siyaasadeed oo ay ku haayaan siyaasiyiinta ka aragti duwan & Maamul Goboleedyada oo kala dhaxeeya talada dalka,loona baahan yahay in madaxda Dowladda & siyaasiyiinta iyo Xildhibaannada labada Aqal ay ka wada tashadaan qaabka ay u dhici laheyd doorashada.