Hot Topics

Taliyaha Ciidanka Asluubta Puntland oo dib ugu soo laabtay Garoowe+Sawirro

Taliyaha Ciidanka Asluubta Dowladda Puntland S/Gaas Cali Nuur Cumar, oo safar ugu maqnaa Dalka Turkiga ayaa maanta dib ugu soo laabtay Magaalada Garoowe ee Caasimadda Puntland.

Taliyaha Ciidanka Asluubta Dowladda Puntland ayaa dalka Turkiga u jiray muddooyinkii ugu dambeeyay xaalado Caafimaad, isagoona haatan xaaladiisa caafimaad ay soo hagaagayso.

S/Gaas Cali Nuur Cumar ayaa waxaa Garoonka Diyaaradaha General Mohamed Abshir, kusoo dhaweeyay Saraakiisha Ciidanka Asluubta Puntland oo uu hogaaminayay Taliye xigeenka Ciiidanka, Hogaanada Ciidanka Asluubta, Taliyaha Xabsiga Gobalka Mudug iyo Mas,uuliyiin kale.