Hot Topics

Maxaa sababay Sare-u-kaca qiimaha guryaha iyo dhulka Muqsisho ?+Warbixin

Daraasaddan oo ay soo saartay Somali Public Agenda, ayaa ka hadashay sare-u-kaca qiimaha guryaha iyo dhulka ee magaalada Muqdisho, taasoo dhanka kale sababtay in danyarta iyo barakacayaasha laga barakiciyo meelihii ay ku noolaayeen.

Daraasaddu waxay leedahay ganacsato, hay’ado, bangiyo, qurbe-joogta soo laabaneysa iyo xitaa kooxo dullaaliin ah ayaa sabab u ah in qiimaha dhulka iyo guryaha Muqdisho uu cirka isku shareero.

Degmooyinka Hodan, Wadajir, Waaberi, Howlwadaag, Xamar Jajab, Xamarweyne, iyo Warta Nabadda ayaa ka mid ah meelaha ugu qaalisan ee la dego.

Halkaan Riix si aad u Akhrisato warbixinta oo dhameystiran.