Hot Topics

Guddoomiye Cirro: Xukuumadda Biixi iyadaa ayaa Nabad-gelyada ku ciyaaraysa+VIDEO

Guddooomiyaha Xisbiga mucaaradka ee WADANI Cabdiraxmaan Cirro, ayaa sheegay in Xukuumadda Soomaaliland ay xilligaan nabada ku ciyareyso,isla markaana ay u adeegsaatay Xisbiga Ciidamo.

C/rixmaan Cirro ayaa sheegay in Xafiiska xisbiga la geeyey Ciidamo farabada, isagoona sheegay in xilli uu xaruntasi tegayay lagu riday rasaas farabadan, mowqifkiisa aan waxba iska bedeleyn.

“Xukuumaddu iyada ayaa nabadgelyada ku ciyaaraysa, Xisbina xaq looguma laha in xaruntoodu xoog lagu qabsado, xukuumadda waxa aan ugu baaqayaa in aanay xaalad abuuri”n ayuu yiri Guddoomiyaha Xisbiga Mucaaradka ah WADDANI Cabdiraxmaan Cirro.

Ugu dambeyntii, Guddoomiyaha Xisbiga Mucaaradka ah WADDANI Cabdiraxmaan Cirro ayaa ka hadlay xaalada xarunta dhexe ee WADDANI iyo qalalaasaha ka jira Magaalada Hargeyso isagoona yiri “Aniga rasaas la igu rido iyo kaare la ii soo kaxaysto midna naga joojin mayso in aanu waajibaadkayagu gudano oo aan xafiiskaygii tago”