Hot Topics

Rabshado hor leh oo ka dhacay Ismaamulka Hong Kong.

Booliska Ismaamulka Hong Kong ayaa hareereeyay xarun jaamacadeed oo ay xalay dibad baxyaashu gudaha u galeen.

Tobonaan kamid ah dibad baxyaasha ayaa isku dayay in ay goobtaasi ka baxsadaan markii uu waagu baryay, balse booliska ayaa u adeegsaday gaaska dadaka ka ilmeesiiya iyo rasaasta cinjirka ka sameesan. 

Dibad baxyaasha ayaa maalmihii dambe sara u qaaday dibad baxyadooda rabshadaha wato, kuwaas oo ay kaga soo horjeedaan maamulka Hong Kong.

Dibad baxyada ayaa markoodii hore ka bilawday sharci muran badan dhaliyay uu maamulku lagalay dowladda Shiinaha, kaas oo dhigayay in dadka dambiyada ku gala Hong Kong lagu maxkamadeen karo dhul waynaha Shiinaha.