Carmo: Ilaalada Wasiirka Amniga Puntland iyo Maleeshiyaadka Ciise Yulux oo dagaalamay

Wararka imaanaya Degmada Carmo ee Gobalka Bari, ayaa sheegaya in uu ka dhacay Degmadaas Iska hor-imaad u dhexeeya Ciidan daacad u ah Wasiirka Amniga Dowladda Puntland Cabdisamad Gallan iyo Maleeshiyaadka uu hoggaaminayo Ciise Yulux ee dhowaan laga saaray Magaalada Boosaaso.

Wararka ayaa sheegaya in Ciidanka daacada u ah Wasiir Gallan ay weerareen Maleeshiyo Beeleed uu hoggaaminayo Ciise Yulux oo degan Carmo, waxaana la sheegay inuu jiro dhaawac soo gaaray mid kamid ah Ilaalada Wasiirka amniga Puntland.

Weerarkan ayaa la sheegay inuu salka ku hayo Gaari dagaal oo dhowaan laga qabsaday Wasiirka Amniga Dowladda Puntland Cabdisamad Gallan, ka gadaal markii Maleeshiyo Beeleedka Ciise Yulux ay gudaha u galeen Magaalada Boosaaso ee xarunta Ganacsiga Puntland.

Xaalada Degmada Carmo ee Gobalka Bari ayaa haatan degan, mana jirto wax war oo kasoo baxay Maamulka Degmada, Kan Gobalka iyo Dowladda Puntland oo ku aadan iska hor-imaadkan dhexmaray Ilaalada Wasiirka Amniga Puntland iyo Maleeshiyaadka uu hoggaamiyo ninka ay isku beesha yihiin ee Ciise Yulux oo kamid ahaa Hoggaamiyaashii Kooxihii Burcad-badeedka ahaa, ayna raadinayaan Dowladaha Caalamka.