Hot Topics

Wararkii ugu dambeeyay ee xaalada Magaalada Hargeyso oo maanta kacsan+Sawirro

Xiisad ayaa saaka ka taagan Magaalada Hargeysa ee xarunta Maamulka Somaliland, taas oo ka dhalatay Banaan-baxyo ay wadaan taageerayaasha Xisbiga mucaaradka ah ee Waddani.

Wararka ayaa sheegaya in uu isku dhac dhex-maray Ciidanka Booliska Somaliland oo hareereyay xarunta Xisbiga Waddani iyo Taageerayaasha Xisbiga, iyadoona uu jiro khasaare ka dhashay isku dhacaas.

Wararka ayaa intaas ku daraya in Guddoomiyaha Xisbiga Mucaaradka ee WADDANI C/raxmaan Cirro, uu si xoog ah ku galay Xarunta Xisbiga oo ay Ciidamo hareeyeen.

Ciidanka Booliska Somaliland ayaa la sheegay inay rasaas ku fureen taageerayaa sha Xisbiga, oo damcay inay xoog ku galaan xarunta WADDANI kaddib markii uu gaaray Guddoomiyaha Xisbiga Mucaaradka ee WADANI ee C/raxmaan Cirro, waxaana ku dhaawacmay hal qof .

Xaalada Magaalada Hargeyso ayaa maanta ka duwan maalmihii lasoo dhaafay, ka gadaal markii Guddoomiyaha Xisbiga Mucaaradka ee WADANI ee C/raxmaan Cirro, uu ugu baaqay Taageerayaashiisa banaan-bax ka dhan ah Guddiga Doorashooyinka ee uu magacaabay Madaxweyne Muuse Biixi oo muran badan uu ka dhashay.