Wasiirada Ganacsiga Soomaaliya oo ku shirsan Garoowe

Waxaa maalintii labaad ka socda Magaalada Garoowe ee Caasimadda Puntland  Shir u dhaxeeya Wasiirada Ganacsiga iyo Warshadaha Heer Federaal iyo kuwa Dowlad goboleedyada ka jira dalka iyo Xubno kale.

Shirka oo ay soo qaban qaabisay Wasaaradda Ganacsiga iyo Warshadaha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, ayna marti-gelisay Puntland ayaa waxaa looga hadlayaa hindise Sharciyeedka Dhismaha Shirkadaha Ganacsi ee Dalka.

Shirka ayaa waxaa goobjoog ka ah Wasiirka Wasaaradda Ganacsiga iyo Warshadaha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Wasiirada Ganacsiga Dowlad Goboleedyada, Guddiga Maaliyadda & Ganacsiga ee Aqalka Sare iyo Sanoter Cabdiraxmaan Faroole.

Shirka ayaa qorshihiisu waxaa uu yahay in wadatashi la geliyo hindise Sharciyeedka Shirkadaha si loogu gudbiyo Aqalka Sare si ay uga doodaan,isla markaana u ansixiyaan.