Jubbaland oo soo bandhigtay Xubin ka tirsan Al-Shabaab

Taliska Hay’adda Nabadsugida dowlad Goboleedka Jubbaland ayaa waxaa ay soo bandhigeen Nin ay sheegeen in uu ka tirsanaa Ururka Al-Shabaab,balse isku soo dhiibay Ciidamada Jubbaland.

Saraakiisha Hay’adda ayaa Ninka Magaciisa waxaa ay ku sheegeen Rayaan Shiikh Nuuur ,balse  Shabaabka dhexdooda  looga yaqaano (Abuu Xamsa),isla markaana uu ahaa madaxii u qaabilsanaa dhanka gaadiidka Gobolka Jubbada Hoose.

Saraakiisha Nabadsugida Jubbaland ma bixin faah faahin intaasi dheer,hayeeshee ay sheegeen in Ninkaasi uu kamid ahaa mas’uuliyiinta Ururka Al-Shabaab ee ka howlgeli jiray deegaano ka tirsan gobolka Jubbada Hoose iskuna soo dhiibay Ciidamada Jubbaland.

Al-Shabaab weli dhankooda kama hadlin oo ku aadan Ninkaan ay soo bandhigtay Nabadsugida Jubbaland,kaas oo lagu sheegay in uu ka tirsanaa Xubnaha Sar sare ee Al-Shabaab.