Hot Topics

Garoowe: Shirka ka wada tashiga hindise sharciyadeedka shirkadaha Dalka oo la soo gabagabeeyay+Sawirro

Shirka ka tashiga Hindise sharciyadeedka Shirkadaha Dalka oo u dhaxeeya Guddiga Maaliyadda iyo Dhaqaalaha Golaha Aqalka sare iyo Dowladaha xubnaha ka ah Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa xalay lagu soo gaba-gabeeyay Magaalada Garoowe ee Caasimadda Puntland.

Shirka ayaa waxaa ka qeyb galay Guddiga maaliyadda iyo dhaqaalaha Golaha Aqalka sare, Wasaaradda ganacsiga iyo Wershadaha Dowladda Federaalka iyo Dowlad Gobaleedyada iyo qaar ka mid ah Xil-dhibaannada Baarlamaanka Dowlad Goboleedyada.

Ujeeddada kulanka ayaa ahaa dhageysiga talooyinka Dowladaha xubnaha ka ah Dowladda Federaalka Soomaliya ee ku aaddan hidise sharciyadeedka shirkadaha, kaas oo horyaalla Golaha Aqalka sare ee Dalka.

Gabagabada Shirka Wada-tashiga ee u dhaxeeyay Dowlad Gobaleedyada Dalka, Wasaaradda Ganacsiga iyo Warshadaha Xukuumadda Soomaaliya, Guddiga Maaliyadda iyo Dhaqaalaha Golaha Aqalka sare ayaa kusoo dhamaaday jawi wanaagsan.