XOG: Ra’iisulwasaare Kheyre oo Qatar ka wadda kulamo khatar ku ah Xasiloonida Dalka

Ilo-wadareedyo lagu kalsoon yahay ayaa sheegaya in Ra’iisul wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Xassan Cali Kheyre, uu magaalada Doxa ee dalka Qatar kula kulmay saraakiil u dhalatay dalka Ruushka.

Ra’iisulwasaare Kheyre iyo Saraakiisha Ruushka ayaa ka wada-hadlay arrimo ay kamid yihiin wada-shaqeynta Xukuumadda Federaalka Soomaaliya iyo Dowladda, iyo sidii Ruushku uu uga garab siin lahaa Dowladda Soomaaliya Ciidan daacad u ah Dowladda Madaxweyne Farmaajo.

Sidoo kale, Ilo-wareedyada ayaa intaas u daraya in Ra’iisulwasaaraha iyo Saraakiisha Ruushka ay isla soo qaadeen sida ugu haboon ee doorashada 2020-ka ay ugu shuban laheyd xukuumadda hadda jirta.

Dhinaca kale, Warar lagu kalsoon yahay ayaa sheegaya in Dowladda Qatar ay ugu deeqday Xukuumadda Federaalka Soomaaliya qalab la sheegay in loo adeegsanayo doorashooyinka Dalka ee 2020-ka, isla markaana la soo raacsiiyay deeqdii dhawaan la keenay Magaalada Muqdisho, laguna wareejiyay Taliska ciidanka Sirdoonka iyo Nabadsugidda Qaranka ee “NISA”. 

Madasha Xisbiyadda Qaranka ee uu hoggaamiyo Madaxweynihii Hore ee DKMG aheyd ee Soomaaliya Sheekh Shariif Sheekh Axmed, ayaa dhowaan ku eedeysay Madaxda Dowladda Federaalka ee fadhigeedu yahay Xamar inay waddo qorshe ay ku afduubeyso Doorashada 2020-ka, ayna sameysatay Kooxo daacad u ah oo loo yaqaano XOOGAGA WADDANIYIINTA, si ay ugu shubato Doorashada Dalka.

Sidoo kale, Xisbiyadda Mucaaradka ah ayaa uga digay Madaxda Dowladda Federaalka inay afduubaan Doorashada Dalka, waxaana ay sheegay in hadii ay taa isku daydo ay ka dhalan doonto Cawaaqib xumo.