Hot Topics

Wasiirka Maaliyadda Puntland oo Shir uga qeyb-galaya Kampala

Wasiirka Maaliyadda Dawladda Puntland Mudane Xasan Shire Cabdi iyo wafti uu hoggaaminaayo ayaa safar shaqo ugu amba baxay Kampala ee caasimadda dalka Uganda.

Wasiirka iyo waftigii uu hoggaaminaayay waxaa Garoonka diyaaradaha ee Caasimada Gen Maxamed Abshir ku sii saagootiyay Wasiirku- xigeenka Maaliyadda Mudane Cumar Xasan Fiqi,Taliyaha Ciidamada Boliska Puntland Gen Muxyadiin iyo Masuuliyiin kale oo ka tirsan Wasaaradda Maaliyadda.

Madaxda Wasaaradda Maaliyadda ayaa ka qayb gali doona shir ka dhici doona Kampala kaasi oo looga hadli doono Wada shaqaynta iyo is dhaaf siga xogaha Wasaaradaha Maaliyadda Dawladda Federalka Somaliya iyo Dawladaha xubnaha ka ah.