Mareyknaka oo beeniyay in ciidamado uu kala baxayo Kuuriya Koonfureed.

Pentagon’ka Mareykanka ayaa maanta oo khamiis ah beeniyay war kasoo baxay warbaahinta Kuuriyada Koonfureed, kaas oo ah in Mareykanku uu qorsheenayo in uu dhimo ciidamadiisa ka jooga Kuuriyada Koonfureed.

War lagu daabacay wakaalada wararka ee Kuuriyada Koonfureed ayaa lagu sheegay in dowladda Mareykanka ay qorsheenayso in ay dhinto ciidamadeeda ka jooga Kuuriya Koonfureed haddii aysan aysan kordhin qarashaadka ay siiyaan ciidamada Mareykanka.

Mareykanka ayaa xukuumada Seoul ka dalbaday in ay ka dhigto qarashaadka ay siiso ciidmadiisa $5,bilyan, taas oo shan jibaar kabadan inta ay horay u bixin jirtay.

Balse, afhayeenka Wasaaradda Gaashaandhiga Mareykanka ayaa waxba kama jiraan ku tilmaamay wararka sheegaya in Mareykanka uu yareenayo ciidamadiisa ka joogo dalka Kuuriyada Koonfureed.

Madawaynaha Mareykanka Donald Trump ayaa tan iyo markii uu xafiiska yimid waxa uu dhawr jeer dal baday in sara loo qaado qarashaadka ay Kuuriya Koonfureed siiso ciidamadiisa ka joogo dalkaasi.