Hot Topics

1.7 Million oo Carruur Soomaaliyeed ah oo la talaalayo

Olole lagu tallaalayo ilaa 1.7 milyan oo Carruur ah oo ku nool Soomaaliya ayaa Axaddii ka bilaawday deegaannada ay dowladdu maamusho, iyadoo la kaashanayo Hay’addaha WHO iyo UNICEF.

Carruurta da’doodu ka yar tahay shan sano ayaa laga talaalayaa cudurka dabeysha, waxaana tallaalka jadeecada la siin doonaa carruurta da’doodu u dhaxayso 6 iyo 59 bilood. Ololaha ayaa sidoo kale ka kooban fitamiin A dheeri ah oo loogu talagalay Carruurta ka yar 5 sano jir.

Ilaa 29ka Noofembar shaqaalaha caafimaadka ayaa diiradda saari doona gobollada Benaadir, Galguduud, Hirshabelle, Jubaland iyo Koonfur Galbeed, iyo carruurta ku nool degmooyinka ay ku badan yihiin dadka gudaha ku barokacay (IDPs).

Mamunur Malik, Wakiilka WHO ee Soomaaliya, ayaa sheegay 7 carruur ah Soomaaliya uu dhinta mid ka mid ah ka hor da’da Shanta Sano, isaga oo intaa ku daray in arintaa looga hortagi karo oo kaliya sida uu hadalka u dhigay Talaalka muhiimad gaar ah u leh caafimaadka carruurta.