Hot Topics

Hong Kong: Kooxaha u dooda dimoqoraadiyada oo guulo ka gaaray doorashada maxaliga ah

Kooxaha mucaaradka ee u dooda dimoqoraadiyada ee maamulka Hong Kong ayaa guulo ka gaaray doorashada golaha deegaanka ee maamulka.

Musharaxiinta dhanka dimoqoraadi doonka ayaa illaa iyo haatan ku guulaystay 278 kursi, halka kuwa Shiinaha taageersan’na ay ku guulaysteen 42 kusi.

Doorashada ayaa ku dhacday qaab nabdoon, iyadoona aysan dhicin rabshadihii lafilayay.

Doorashada oo loo diiwaan galiyay in ay codkooda ka dhiibtaan 4.1 oo ruux ayaa waxaa illaa iyo haatan codadkooda dhiibtay in kabadan 2.9 oo ruux .

Doorashada ayaana loo arkaa mid afti u ah taageerada xukuumada Hong Kong ay heesato xilli bilihii lasoo dhaafay ay dhacayeen dibad baxyo ka dhan ah.