Hot Topics

Ahlu-sunna oo shuruud adag ku xirtay dhismaha Maamulka Galmudug.

Waxaa maalmihii ugu dambeeyay Magaalada Dhuusamareeb ku sugnaa Ganacsato Reer Galmudug oo ka tagay Muqdisho, iyaga oo kulamo looga hadlayay dhismaha Galmudug la yeeshay hoggaanka Sare ee Ahlu-sunna Wal-Jamaaca.

Hoggaanka Ahlu-sunna ayaa Ganacsatada u sheegay inay ku qanci karaan heshiiskii ay horay ula galeen Dowladda Federaalka Soomaaliya ee ahaa in Ahlu-sunna 35 Xildhibaan laga siiyo Baarlamaanka Cusub ee Galmudug.

Ganacsatada ayaa ku guul-dareestay inay Ahlu-sunna qanciyaan, iyaga oo dib ugu laabtay Magaalada Muqdisho, waxaana ay ku wargeliyeen Madaxda Villa Soomaaliya in kulamadii ay Dhuusamareeb kula soo qaateen hoggaanka Ahlu-sunna iyo mowqifka Ahlu-sunna.

Dowladda Soomaaliya ayaa Ganacsatada waxaa ay u dhiibtay farriin aheyd in 15 Xildhibaan Baarlamaanka Cusub ee Galmudug laga siiyo Ahlu-sunna, hayeeshee taasi ay diideen hoggaanka Ahlu-sunna.

Hoggaamiyaha ugu sareeya Ahlu-sunna Macalin Maxamuud ayaa la sheegay in Ganacsatada uu hor-dhigay in dowladda fuliso heshiiskii hore ee lagu siinayay 35 Xildhibaan ama in dowladu howsheeda dhismaha maamulka sii wadato.

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa xilligaan waxaa ay culeys kala kulmeysaa dhismaha Galmudug mideysan oo loo dhan yahay, iyada oo Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya uu dhowr jeer booqday deegaannada Galmudug.