Hot Topics

Madaxweynaha Turkiga oo booqasho ku tagay Dalka Qatar

Madaxwaynaha dalka Turkiga Recep Tayyip Erdogan, ayaa booqasho rasmi ah ku yimid dalka Qatar halkaasi uu kula kulmi doona Amiirka dalka Qatar Sheikh Tamim bin Hamad Al Thani.

Madaxwayne Erdogan iyo Amiirka Qatar ayaa ka wada hadli doono xiriirka laba geesoodka ah eek a dhaxeeya labada dal, iyo xiisada ka taagan gobolka Bariga Dhexe.

Ankara iyo Doha ayaa ah saaxiibo isku dhaw, iyagoona waxyaabaha ugu waa wayn ee ka wada hadli doonaan ay qayb ka tahay dagaalka ka soconaya dalka Suuriya.

Dowladda Qatar ayaa taageertay weerarkii bishii hore ay dowladda Turkiga ku qaaday waqooyi bari dalka Suuriya.