Hot Topics

Wasiirka amniga oo maanta hor-tagaya Xildhibaanada Golaha Shacabka

Xildhibaanada Golaha Shacabka Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa maanta kulan xasaasi ah ku yeelanaya xaruntooda KMG ah ee Magaalada Muqdisho, iyadoona la filayo inay hor-tagaan Masuuliyiinta Hay’adaha amniga.

Xildhibaanada ayaa u yeeray shalay Wasiirka Amniga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Maxamed Abuukar Isloow Ducaale iyo Hay’adaha kale ee Amniga ee hoostaga Wasaaradda, oo ay kamid yihiin Taliyaha Ciidanka Booliska iyo Agaasimaha Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda.

Waraaq shalay loo diray Wasiirka Amniga Xukuumadda Federaalka ayaa looga dalbaday in isaga iyo Hay’adaha ammaanka ee Wasaaradda hoos-taga ay hor-yimaadan Golaha Shacabka, wallow aan lagu cadeyn waraaqda ujeedada loogu yeeray.

Wararka ayaa sheegaya in Wasiirka amniga iyo Masuuliyiinta kale wax laga weydiinayo xanibaad lagu soo rogay socdaalka Degaanada Jubbaland iyo dhag-xaanta lagu jaray waddooyinka Muqdisho oo sababay duruufo adag oo soo wajahay Shacabka.

Wixii kasoo kordha kala soco Idil News.