Hot Topics

Taxanaha: DAGAALKA MACDAARLEYDU DHAMAAD MA LEH! Q/3-AAD

Shirkada PDG ee maamulaysay ciidamada PMPF waxaa maamulkeedii u horreeyay Agaasime ka noqday Maxamed Ismaciil Xaaji Maxamed ( Siibad ) oo hadda ka tirsan gollaha barlamaanka Puntland. Waxaa kaloo maamulka soo qabtay Cali Maxamed Casayr, Ayaanle Afbalaar iyo Faarax Barre oo dhammaantood ka socday dhinaca ganacsade Bashiir Abdullahi Saalaxdeer.

Maxamed Abdirahman Faroole ayaa noqday agaasimihii u horreeyay ee Wareegto madaxweyne loogu magacaabo Agaasimaha Ciidamada PMPF xiligii xukuumadii Faroole, wuxuu wax weyn ka bedelay Mudadii uu hayay Maamulka ciidamada PMPF, wuxuuna soo saaray Ciidamo xoog leh oo uu badnaa labo beelood oo kala dega Nugaal iyo Bari, wuxuuna kor u qaaday tayada Ciidanka wuxuuna shirkada gacanta usoo galiyay Dawlada Puntland.

Sidoo kale Maxamed Abdirahman Faroole wuxuu kor u qaaday sumcadii shirkada iyo ciidamada wuxuuna xafiisyo ka furay degmooyinka xeebaha ee Burcad badeedu awooda ku lahayd , wuxuu hoos u dhigay awooda saraakiisha Emaratka ay ku lahaayeen go’aamada ciidanka .

Dhicana kale waxaa Maxamed Faroole hab-dhaqankiisa ka caban jiray inta badan maamulka iyo saarkiisha ciidamada ee la shaqeeyay, gaar ahaan hab-dhaqankiisa oo salka ku haysa isla weyni iyo kibir.

Ka dib doorashii 2014- ka ee looga guulaystay Madaxweyne Faroole waxaa hoos u dhacay awoodii Maxamed Cabdiraxman Faroole. Saraakiisha Imaraadka oo ka faa’iidaysanaya isbedelka ka dhacay Puntland ayaa ka codsaday Madaxweyne C/weli Gaas inuu ka bedelo Agaasime Maxamed, iyagoo sheegay inaysan la shaqayn karin, ugu dambeyntiina meesha waa laga qaaday.

Agaasimihii 3-aad ee Shirkada Sarecen ama PMPF waxaa noqday Cabdinasir Biixi Soofe oo uu Adeer u ahaa Madaxweyne Gaas. Agaasime soofe wuxuu isna bilaabay inuu dib u habeyn guud ku sameeyo ciidamada, wuxuu bilaabay inuu Saraakiishii Imaraadka soo hordhigo heshiisyo ay xasiixeen oo aan la fulin , wuxuu codsaday in Ciidanka hubka laga bedelo, isagoo Madaxda shirkada u sheegay inay keenaan hub ka xoog badan midka hada ay haystaan ciidanku, maadaama ciidanku haystay qoryo yar yar oo duug ah, wuxu bilaabay qorshe lagu abuurayo maraakiib dagaal oo bada ilaalisa, wuxu bilaabay inuu sameeyo qorshe dhaqaale oo ka madax banaan midka ay bixiyaa Sarecen oo bada laga soo saarayo si ciidanku u helo dhaqaale dawladeed oo looga maarmi karo mushaarka Sarecen iyo in ciidanku yeesho aqoonta badda.

Agaasime Soofe shaqadii uu waday waxay dhibtay Saraakiishii Sarecan waxayna u arkeen in ciidanku ka xoroobi doono gacantooda hadii uu fulo qorshahaas, waxayna awooda Imaaratku taas badal keed oo ah inay meesha ka saaran waxayna cabashooyin u gudbiyeen Madaxweyne Gaas. Madaxweyne Gaas waqti badan ay saraakisha Imaraadku kusoo noq noqdeen iyo booqashooyin badan ma fulin codsigoodii ugu dambeyntii waxaa u yimid Madaxweyne Gaas safiirkii Emaratka u fadhiyay Soomalia Mudane Cismaan Saalax oo ay saaxiib ahayeen Madaxweyne Gaas wuxuu doorbiday inuu ilaashado saaxiibtimada Safiirka iyo lacag dhan 50 kun oo dollar ah Akoonkiisa gaar ah loogu shubi jiray bil kasta, wuxuuna meesha ka saaray isbedelkii uu waday Agaasime Soofe ugu dambeyntiina xilkii waa ka qaaday wuxuuna soo magacaabay Agaasime cusub.

Agaasimihii 4-aad Ciidamada PMPF waxaa noqday Cabdiraxmaan Maxamuud Xaaji Xasan oo ah Agaasimaha hada jooga, Agaasime Cabdiraxmaan lama imaan wax hal abuur ah sida Agaasime yaashii ka horeeyay wuxuuna noqday Agaasimhii ugu dhaqdhaqaaqa yaraa, uguna hooseeyay taariikhda ciidanka PMPF. Qorshe la’aantii Agaasime Cabdiraxmaan waxay keentay in awoodii shirkada si buuxda gacanta ugu gasho saraakiisha Emaarat ah waxayna bilaabaan inaysan fulin amarada Madaxda sare ee Puntland iyagoo gaaray inay ka celiyaan una udiidaan inuu galo xerada Madaxweyne kux-igeen hore ee Puntland Cabdixakim Camay sidoo kale waxay si toos ah u diidi jireen amarka Madaxweyne Gaas.

Agaasime Abdirahman Mahomuud xaaji Hassan oo hadana ah Agaasimaha jooga ayaa lagu tilmaamay shakhsiga ugu tayada liita ee soo mara shirkada Sarecan.

Waxyaabaha kale ee u suurtagaliyay in Saraakiisha Imaraadku ay 100% la wareegaan maamulka iyo awooda ciidamada PMPF waxaa sabab u ahaa xiritaankii Xeeradii Gordon ee Muqdisho ee Imaraadku ku tababari jiray ciidamada Somaliya oo albaabada la isugu laabtay markii uu xumaaday xiriirkii Imaraadka iyo dowladda Federaalka Somaliya. Saraakiil sarsare oo Imaraarti ah oo laga keenay Muqdisho ayaa fariisimo ka dhigtay Magaaladda Boosaso iyagoo xooga saaray in xeradu gacantooda ka bixin.

LA SOCO QAYBTA U DAMBAYSA

W/Q: Omar Akhiyaar