Ahlu-sunna oo ku dhawaaqday go’aan ku aadan Doorashada Galmudug

Hoggaanka ugu sareeya Kooxda Ahlu-sunna Waljameeca iyo Guddiga farsamada & dhismaha Galmudug ee uu Magacaabey Sheekh Maxamed Shaakir oo xalay ku yeeshay kulan Magaalada Dhuusamareeb ee Xarunta Maamulka Galmudug ,ayaa wada-gaaray go’aan adag oo ka dhan ah DFS.

Wararka kulankaas laga helayo ayaa waxaa ay sheegayaan in hoggaanka Ahlusunna ay qaateen dhowr qodob oo ay ka mid yihiin.

1: In Ahlusunna ay markale Warqad ashtako ah u dirto Beesha Caalamka,taas oo ay ku sheegayaan in dowladda iska dhega tirtay heshiiskii ay wada galeen,isla markaana ay guda gashay xulista Baarlamaanka Cusub ee Galmudug.

2: in Guddiga Farsamada iyo dhismaha Galmudug ee uu Magacaabey Sheekh Shaakir ay muddo Todobaad gudahood ay kusoo xulaan kuna shaaciyaan Xubno Baarlamaan oo ka kooban 89 Xubnood.

3: In Ahlusunna wadatashi kadib ay soo saari doonto habraaca doorashada Galmudug iyo mowqifkooda howlaha ay dowladda Federaalka ka wado deegaannada Galmudug.

4: In tallaabo kasta oo ay qaadayaan Ahlusunna ay noqdaan kuwo taxadar leh,iyada oo hoggaamiyaha Ahlusunna Maxamed Maxamuud uu walaac ka muujiyey sida ay dowladda u wado dhismaha Maamulka Galmudug.

Si kastaba kulanka ay yeesheen hoggaanka Ahlusunna oo ahaa mid deg deg ah ayaa ka dambeeyey,kadib markii dowladda ay guda gashay dhismaha Galmudug,iyada oo hoggaanka Ahlusunna ay sheegeen in aan.weli la fulin heshiiskii ay dowladda la galeen.