Booliska Somaliland oo xabsiga dhigay 9 Nin oo u dhashay Imaaraadka+Sawirro

Ciidanka Booliska Maamulka Somaliland ayaa xabsiga Magaalada Hargeysa dhigay 9 Nin oo Ajaanib ah una dhalatay dalka Isu-tagga Imaaraadka Carabta, kuwaas oo la sheegay inay ahaayeen ugaarsato.

Raggaan ayaa laga qabtay Garoonka Diyaaradaha Magaalada Hargeysa ee Cigaal,xilli ay ku wajahnaayeen Dalka Imaaraadka, waxaana Saraakiil katirsan Ciidanka Booliska Somaliland ay sheegeen in raggaan u dhashay Imaaraadka Carabta ay si sharci darro ah uga ugaar sanayeen deegaannada Somaliland.

Agaasimaha Duur joogta ee Wasaaradda Deegaanka Somaliland Naasir Xuseen ayaa Warbaahinta u xaqiijiyey xariga Sagaalka Nin ee u dhashay wadanka Imaaraadka Carabta, isagoona sheegay in si sharci darro ah uga ugaarsanayey deegaano ka tirsan Somaliland, lana marsiin doono sharciga.

Wararka ayaa intaas ku daraya in raggaan la qabtay ay maalmihii la soo dhaafay ku sugnaayeen deegaan lagu Magacaabo Sabo-wanaag oo ka tirsan Gobolka maroodi-jeex ee Somaliland oo ay sheegeen inay mashaariic ka fulinayaan, hayeeshee dadweynaha deegaankaas ay sheegeen inay wadeen howlo ugaarsi ah,sidaasina lagu xiray.

Somaliland ayaa horay deegaannadeeda uga erisay Kalluumeysato iyo Shaqaalo Ajnabi ah, kuwaas oo ay sheegeen in si sharci darro ah ay ku joogeen deegaannada Soomaaliland, iyaga oo sidoo kale ku amray Ajaanibta ku sugan inay isa-soo diiwaan geliyaan.