Hot Topics

Somalida Itoobiya Oo aan weli fahmin burhaanteeda!!

Wasiirka Maaliyada Dowlada Fadaraalka Itooobiya,ayaa soo gaaray Jigjiga si loo dhamaystiro isku biirista Xisbiga Somalida Itoobiya ee talada Deegaanka haya iyo Xisbiga cusub ee RW Abiye abaabulay xiligan ee PP.

Madaxweyne Mustafe oo si weyn ugu faraxsan qorshaha socda,ayaa kusoo dhaweeyay garoonka Wasiir Shide.

Mustafe Cagjar,ayaa ka dhex arka Xisbiga Abiye hankiisa gaar ahaaneed ee siyaasada.

Halka Shide uu noqday siyaasi Oromaysan oo isku arka Somalinimadiisa in ay ka xoog badan tahay Oromonimadiisa.

Shalay ayay ahayd markii Wasiirka difaaca Itoobiya Lama oo ah Siyaasi miisaan ku leh Qowmiyada Oromada iyo tan Fadaraaliga ahba uu ka hor yimid qorshaha iyo Xisbiga PP ee Abiy.

Sidoo kale waxuu la kulmayaa Xisbigs Abiye diidmo xoog badan oo ka imaanaysa Qowmiyadaha kala duwan ee Itoobiya,gaar ahaan kuwa saamaynta leh.

Somalida Itoobiya,ayaa lagu yaqaan in ay markaas usacab tumaan hogaanka talada haya oo aysan yeelan aragti ka madax baxnaan oo ka turjumaysa danahooda ugaarka ah.

Weli Somalidu ma aragto burhaanta ay ku leedahay siyaasada iyo dhaqaalaha,xataa hadii Deegaankeeda laga helay Shidaal fara badan oo ay noqotay kaydka kaliya ee ay xiligan ku xisaabtamayso Itoobiya.

Jibril Qoobey.