Hot Topics

Alshabaab Oo gudaha ugalay Hotel SYL Muqdisho

Is-rasaaseyn xooggan ayaa ka socota hotelka SYL ee magaalada Muqdisho oo ku yaalla agagaarka Villa Somaliya, halkaasi oo la rumeysan yahay in ay galeen maleeshiyada Al-Shabaab.

Waxay waraka hordhaca sheegayana in uu jiro khasaare xooggan, inkasta oo aan la hayn tirada rasmiga ah.

Kooxda Al-Shabaab ayaa war ay soo saartay ku sheegtay in dagaal-yahanadeeda ay galeen hotelka, kana dhex dagaalamayaan.