Hot Topics

Yaa ka danbeeyay xariga Talyihii Ciidamada Danab?

Xariga Jeeniqaar boqolkiiba Sideetan waxaa lagu tuhmayaa in uu maleegay Xildhibaan Cali Yuusuf Cali Xoosh.

Mahan markii ugu horaysay oo uu shirqoolo masuul kasoo jeeda Puntland oo mansab ka haya Xukuumada Fadaraalka ah Cali Gaab.

Horay waxuu umaleegay oo qayb uga ahaa xilka qaadistoodii masuuliyiinta kala ah…

  1. Juxa isagaa ka shaqeeyay In laga qaado Si uu Cawad oo ilma Abti yihiin loo siiyo Kursiga.
  2. Bashir Ciise Gudoomiyihii Bankiga Dhexe isagaa dacaayadeeyay oo ka baqay In Wasiirka Cawad ku fadhiyo la siiyo Cumar Maxamuud awood qaybsiga dartiis.
  3. Gabar lagu magacaabo Xamsa Isbariiije oo Qunsul ka ah Dalka Cumaan wuxuu abaabulay in lagu badalo Ina Caydiid oo Xoghayn u ahaan jiray Madaxweyne Faroole,balse Dowlada Cumaan,ayaa diiday badalaadaas.

4.Mahdiya Jaamac Gabar reer Puntland ah oo loo waday Gudoomiyaha Degmada Cabdicasiis waa hor staagay,isagoo ka faa’,idaysana Wasiirnimada Cawad..

Cali Yuusuf Cali Xoosh cidna uma daneeyo mana jirto jifo ama beel uu gaar danteeda uwado kaliya tiisa,ayuu ka ilaalsadaa.

Cali Gaab waa Nin ufahmay siyaasada iyo masuuliyada wax lagu qaraabto oo wax lagu Dulaalo,si gaar ah waxuu ugu adeegaa Khayre.

Xiligan waxuu gadayaa in Khayre Madaxweyne noqdo RW Cawad laga dhigo isagana markale Xildhibaanimo kusoo laabto,balse xurmadle Islaan Ciise,ayaa ku gacansayray rabitaankiisa.

Cali eedaha uu ka galay Shacabka iyo nidaamka Puntland in lagula Xisaabtamo,ayuu mudan yahay.

Jeeniqaar Xarigiisana si gaar ah saakay waa in toos loogu ciqaabaa.

Jibril Qoobey.