Video:-Khidmada loo qaado Adeega Garoonka Gaalkacyo Oo hoos loo dhigay

Saakay si rasmi ah ugu dhawaaqay in 50% la dhimay lacagtii adeegyada garoonka diyaaradaha Gaalkacyo laga qaadi jiray.

Waxaa la dhimay lacagtii Marka ay diyaaradu soo dagto laga qaadi jiray.

Waxaa meeshaba laga saaray lacagtii laga qaadi jiray diyaaradaha ku dhaxa ama ku hoyda habeenkii garoonka.

Waxaa la dhimay lacagtii HRM ay qaadan jirtay iyo kuwa kale oo fara badnaa.

Guud ahaan kharashkii ka bixi jiray Diyaaradaha garoonka isticmaala oo gaaray 2010$ waxaa hada lagu soo koobay 934$.

Goobta lagu shaaciyay dhimista kharashakan oo ahayd Galkacyo,waxaa goobjoog ka ahaa Wasiirka arimaha gudaha Dhabancad iyo Agaasimaha Guud ee Wasaarada Duulista Hawada Xoosh.

Madaxweyne Deni waxuu ku amaanan yahay in uu u istaagay cabashadii shacabka go’aan uusan Wasaaradna ku tixgalina ka qaatay.

Madaxweyne Deni waxuu ku adkaystay oo ka diiday soo jeedintii Wasaarada Maaliyada amarna cadna ku bixiyay in 50% la dhimo lacagta looga qaado Dadka iyo Gaadiidka isticmaalka Garoonka.

Shirkadaha Diyaaraduhu waxay si weyn usoo dhaweeyeen talaabadan ,waxayna goobta ka sheegeen in ay aad ugu farxeen soona celin doonaan adeegii diyaaradaha ee joogtada ahaa.

Sidoo kale waxay shirkaduhu balanqaadeen in ay kusoo darayaan adeegooda diyaarad yar oo maalin walba ukala gooshta Garowe iyo Galkacyo si Dadka ay ugu sahlanaato isticmaalka diyaarada Itoobiyaan Airlines-ka.

Garoonka Diyaaradaha Gaalkacyo maanta waa tartami karaa,hoos ka daawo muuqaalka.

Halkan ka daawo muuqaalka

Jibril Qoobey.