Hot Topics

Video:-Qorshe lagu sheegay mid Qaran Oo Xamar laga daahfuray

Qorshaha horumarinta Qaranka ee dowladdu ay ku shaqeyn doonto 5-ta sano ee soo socota,ayaa waxaa soo diyaariyey Wasaaradda Qorsheynta, Maalgashiga iyo Horumarinta Dhaqaalaha.

Arrimaha ugu waaweyn ee qorshahani uu diiradda saarayo waxaa ka mid ah…

-Yareynta saboolnimada,

-Dib u habeynta kaabayaasha dhaqaalaha,

-Tayeynta hey’adaha dowliga ah.

-Hirgelinta nidaam siyaasadeed loo dhan yahay,

-Xoojinta sharciga, garsoorka

-Xaqiijinta amniga dalka.

Waa Qorshe ay umuuqato in uusan sii socon doonin markii laga eego dhawr dhinac oo muhiim ah.kuwaasoo kala ah..

B.Dowlada hada joogta oo wakhtigii gabagaba ka yahay in ay soo laaban doontana aan la xaqiijin karin.

T.Qorshahan oo baalmarsan hanaanka dalku qaatay ee Fadaraalisimka.

J.Dowladaha xubnaha ka ah Dowlada Fadaraalka oo aan waxba kala socon.

Farmaajo 3-sano oo uu dalka soo hogaaminyay ma jirto hal qodob oo uu waxkaqabtay guud ahaan arimihii muhiimka u ahaa horay usocodnimada Dowladnimada Somaliya.

Isku soo wada duuboo waxaa la oran karaa qorshahan waa hindise u eg mara awaal iyo khiyaali,hoos ka daawo muuqaalka.

Halkan ka daawo muuqaalka