Hot Topics

Labada Aqal Ee Baarlamaanka Fadaraalka Oo ansixiyay Miisaaniyada 2020

Labada aqal ee baarlamanka Soomaaliya ayaa maanta ansixiyey miisaaniyadda sannadka 2020-ka oo dhan ku dhowaad 470 milyan oo dollar.

Ansixinta miisaaniyadda ayaa waxaa codka ogolaanshaha siiyey 188 xildhibaan, waxaana diiday laba xildhibaan, sida uu sheegay afhayeenka golaha shacabka, Maxamed Mursal Cabdiraxmaan.

Miisaaniyadda sanadka ay saacaduhu naga xigaan ee 2020-ka,ayaa waxaa kulanka wadajirka ah ee labada Gole hor geeyey, Wasiirka maaliyadda xukuumadda Fadaraalka Soomaaliya Cabdiraxmaan Ducaale Beyle.