Hot Topics

Diyaarad Rakaab Oo ku burburtay Hawada Iran

Diyaaradda Ukrain Airlines ayaa saaka ku burburtay hawada sare ee dalka Iiraan, ka dib markii ay ka duushay garoonka diyaaradaha ee Imam Khomeini ee caasimadda Tehran.

Diyaaraddan ayaa sida lagu waramay waxay siday 200 oo qof oo rakaab ah iyo shaqaalihii waday, iyadoo nooceedu ahaa Boeing 737.

Diyaaradda ayaa ku socotay caasimadda dalka Ukrain ee Kiev, Burburka diyaaradaan ayaan la ogayn in ay xiriir la leedahay xiisada ka aloosan Barigga

Madaxad hey’adda laanqeyrta bisha cas ee dalka Iran ayaa warbaahinta dowladda u sheegay in ay adag tahay in qof uu ka badbaado diyaaradda dhacday

Xaalada dalka iyo dad iran ayaa cabsi weyn soo Foodsaartey markii Dawlada Maraykanka ay bartilmaam ka dhigatay iney duqeyso 50 xarun oo muhiim u ah dalka iran maalmahan soo socda.