Hot Topics

Ciidanka Jubbaland oo dilay xubno katirsan Al-Shabaab.

Ciidanka Amniga ee Dowladda goboleedka Jubbaland ayaa howlgallo ay ka sameeyeen Gobalada Gedo iyo Jubada hoose, ku dilay Afar xubnood oo ka tirsan Ururka Al-Shabaab, sida uu sheegay Af-hayeenka Wasaaradda Amniga Jubbaland Cabdi Nuur Ibraahim Xuseen.

Af-hayeenka Wasaaradda amniga Jubbaland oo Saxaafadda kula hadlayay Magaalada Kismaayo ayaa sheegay in howlgalladaas ay sidoo kale Ciidamada Jubbaland kusoo qabteen maleeshiyaad katirsanaa Kooxda Al-Shabaab iyo saanad Milateri oo ay laheyd Al-Shabaab.

howlgaladan oo ka dhacay deegaannada Cabdala Biroole, Yaaq Bishaaro iyo deegaano kale oo hoostaga degmada Jamaame, ayaa uu sheegay Af-hayeenku in guulo muhiim laga gaaray, isagoona intaas ku daray Ciidanka Jubbaland ay sii wadi doonaan howlgaladan oo ah kuwo lagaga hor-tagayo falalka lidiga ku ah Amniga, laguna xoreynayo degaanada ay Kooxda Al-Shabaab ay kaga sugan tahay Jubbaland.