Hot Topics

Guddoomiye Mursal oo la kulmay Wafdi ka socda Hay’adda UNDP

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka ah ee Soomaaliya Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxamaan ayaa maanta oo Axad ah waxaa uu xafiiskiisa ku qaabiley ku- xigeenka Wakiilka, Barnaamijka UNDP Soomaaliya.

Kulanka ayaa labada dhinac waxaa ay uga wada hadleen sidii loo xoojin lahaa wada shaqeynta u dhaxeysa Hay’adda UNDP iyo Golaha Shacabka Barlamaanka Soomaaliya.

Ku xigeenka Wakiilka Barnaamijka UNDP Soomaaliya ayaa balanq aadey inay xoojin doonaan xiriirka wanaagsan oo ay la leeyihiin Xildhibaannada Golaha Shacabka.