Hot Topics

Maxaad ka taqaan Degmada Bursaalax ee Gobalka Mudug ? W/Q: Bashiir Suuley

Halkani waa Bursaalax. Waa magaalo cammiran kana mid ah magaalooyinka ugu dadka badan uguna hormarsan gobolka Mudug! Magucu waa Bur iyo Saalax oo la isku daray.

Waxa uuna ka soo jeedaa Oday Saalax oo ka mid ahaa oo ganacsade ka mid ah dadkii ugu horreeyey ee deegaanka dega! Dadka deegaanku ogaantay waxa ay lahaayeen magac guud oo loogu yeero kaas oo looga maarmi jiray in qabiillo loogu yeero, kaas oo ahaa “Camaanyo” mar aan baaray sababta loogu bixiyey magacaasna waxa aan soo helay in Bursaalax ay ka beddelnayd deegaannada ku xeeran kuwaas oo jifooyin hoose oo isku reer ahi u badnaayeen ayaduna ay ahayd meel Soomaali oo dhan kulmisa qabiil walbana laga heli karo! Waana sababta magac guud loogu sameeyey! Camaanyo oo magacyo kale oo kaftan ah gadaal laga raacin jiray waxa uu ahaa mid marka la maqlo qof kasta oo reer Bursaalax ahi dhegta taago.

Bal aan dib idiin ku cesho waayahaygii Bursaalax iyo 20 sano ka hor (Sannadkii 2000). In kasta oo ay lahayd matoor shaqeeya oo biyo laga cabbo haddana dhanka waxbarashada waxaa aan ka xasuustaa “Private” labo qol ah oo lahaa macallin Xasan.

Xaruntaasi waxa ay ahayd halka aan ka soo bilaabay hayaankeygii waxbarasho! Waxa uuna ahaa xarunta kaliya ee qalin iyo buug loo qaato ee magaalada oo dhan ku yaallay xilligaas! Maantana dugsiyada iyo macaahidda ku yaallaa waa tiro dhaaf! Ardayda wax ka barata dugsiyada hoose kuwa dhexa iyo sare ba waxa ay gaaraan 5000 oo arday sida aan ka soo xigtay guddoomiyaha waxbarashada ee degmadu, kuwaas oo 85 ka mid ahi sannadkaan ka baxayaa fasaka Afraad ee dugsiga sare.

Matoorradii biyaha ee aan halka xabbo idiinku sheegay maanta shan! Xarumaha caafimaadkana isbeddel ayaa ayana ku yimid. Waxaaba intaas dheer in ay reer Bursaalax dhisteen labo laami oo dhex mara magaalada kuwaas ah isku tashi lagu dhisay.

Mar aan weyddiiyey su’aan kaftan ah oo la xiriirtay laamiga oo ay shaaha ku cabbaan waxa iigu jawaabeen in sawirro laga qaaday laamiga oo xiran oo dhisan baabuurtana laga xannibay ka dibna inta la sawiray dad isaga nasanaya loo muujiyey in reer Bursaalax laamiga ku shaahaan.
Dhaliisha weyn oo aan soo arkay ayaa ah in magaaladu u baahantahay in waddooyin loo sameeyo loona degay qaab isku dhex yaac ah haddii aan hadda laga gaarinna dad badan go’doomin doonta!

W/Q: Bashiir Suulay