Hot Topics

Madaxweyne Deni oo ku wajahan dalalka Kenya iyo Imaaraadka carabta

Madaxweynaha Dowladda Puntland Dr. Siciid C/llaahi Deni, ayaa goor-dhaw la filayaa inuu ka duulo garoonka diyaaradaha Magaalada Boosaas ee xarunta Gobalka Bari, isagoona ku wajahan Magaalada Nairobi ee Caasimadda Dalka Kenya.

Safarka Madaxweyne Deni ee Kenya, oo ah mid deg deg ah ayaan la ogeyn ujeedadiisa, waxaana wararku ay sheegayaan inuu magaalada Nairobi kulamo kula qaadan doono Safiirada Beesha caalamka ee Soomaaliya, oo ay ka wadahadli doonaan xaalada Guud ee Soomaaliya, gaar ahaan arrimaha Doorashooyinka 2020/2021, sharciga Batroolka ee ay ansixiyeen Golayaasha DFS iyo qeybsiga deeqaha caalamku uu siiyo Soomaaliya.

Wararka ayaa intaas ku daraya in Madaxweyne Deni uu kulamada Safiirada Beesha Caalamka, ku wehlin doono Madaxweynaha Jubbaland Axmed Madoobe oo dhowaanahan ay shirar ku lahaayeen Magaalada Boosaaso, kaas oo talaadadii si toos ah ugu amba-baxay Magaalada Nairobi.

Ilo-wareedyo ayaa sheegaya in Madaxweyne Deni uu magaalada Nairobi uga sii gudbi doono dalal uu kamid yahay Imaaraadka Carabta, oo uu kulamo kula yeelan doono Madaxda sare ee Dowladda Imaaraadka iyo Masuuliyiinta Shirkadda DP World ee gacanta ku heysa Dekedda Boosaaso, oo ay sanadkii 2017-kii ay Puntland kula heshiisay balaarinta iyo dhismaha Dekedda, balse illaa hada aan wax ka qaban.

Madaxweynaha Dowladda Puntland Dr. Siciid C/llaahi Deni,  ayaa ku dhawaad shan jeer aaday dalka Imaaraadka carabta, mana jirto wax guulo ah oo laga arkay safaradiisii hore oo isugu jiray kuwo Madaxtooyada shaacisay iyo kuwo qarsoon.