Hot Topics

Al-Shabaab oo beeniyay in fanaanka Gaarane uu ka tirsanaa ururkooda

Ururka Al-shabaab ayaa iska fogeeyay inuu ka tirsanaa Abshir Gaarane Axmed ururkooda, kadib markii hay’ada sirdoonka NISA ay shaacisay muuqaal laga soo duubay Gaarane oo uu ku sheegtay inuu ka tirsanaa Al-Shabaab.

Warbaahinta taageerta Al-Shabaab ayaa daabacday iyadoo xiganaysa sarkaal ka tirsan Al-shabaab in Abshir Gaarane Axmed uusan marnaba ka mid noqon Al-shabaab.

Sarkaalka u hadlay Al-Shabaab ayaa ku eedeeyay dowlada federalka in ay hore dad badan oo rayid ah ay ku tilmaantay in ay ka tirsan yihiin Al-shabaab qaarkoodna xukuno lagu ridey.

“Sirdoonka Soomaaliya waxaa ay caadeysatay inay been faafiso,waxaana ka mid ah beenta ay faafisay in dhowaan qaraxii ka dhacay ex koontarool Afgooye ay dal shisheeye uu ka dambeeyay dal shisheeye.”ayuu yiri sarkaalkan u hadlay Al-Shabaab.

Muuqaal kooban oo la soo geliyay barta Twitter-ka NISA ayuu ka soo muuqday Abshir Gaarane oo qiranaya inuu ka tirsan yahay Al-Shabaab, waxaana uu sheegay inuu Al-Shabaab ku biiray sanadkii 2013, isla markaana u qaabilsanaa dhanka Macluumaadka iyo Maaliyadda.