Hot Topics

Xildhibaano gaaray Degmada Eyl (Sawirro)

Xildhibaano ka tirsan Golaha Wakiillada Dawladda Puntland oo kormeer ku maraya Gobolka Nugaal ayaa maanta gaaray magaalada Taariikhga ah ee Eyl.

Xubnaha Golaha Wakiillada oo u kuur-galaya xaaladda bulshada deegaamada, ayaa kulan la qaatay Maamulka Degmada Eyl, waxgaradka iyo qeybaha kala duwan ee Bulshada. Sidoo kale, Xildhibaanada ayaa booqday Xaafadaha waxyeelada ka soo gaartay roobabkii xogganaa ee ka da’ay Degmada Eyl.

Kormeerka ayaa qeyb ka ah socdaal Xildhibaanada Puntland ay ku marayaan Gobolada Dalka si ah warbixintada iyo baahiyaha ee deegaamadaas ugu soo celiyaan Golaha Guud.