Hot Topics

Guddoomiyaha Baarlamaanka Puntland oo gaaray Degmada Badhan (Sawirro)

Gudoomiyaha Golaha Baarlamaanka Dawladda Puntland Mudane C/rishiid Yuususf Jibriil, Xubno katirsan Golaha Baarlamaanka, Golaha Wasiirada iyo Saraakiisha Ciidamada ayaa gaaray Degmada BADHAN.

C/rishiid Yuususf Jibriil safarkan degmada badhan waxaa ku weheliyay Wasiirka Maaliyadda ahna Gudoomiyaha gudiga dib uhabaynta Ciidamada Mudane Xasan Shire Cabdi, Wasiirka Amnig Mudane Cabdisamed Maxamed Galan, Wasiirka Waxbarshada Mudane Cabdulaahi Maxamed Xasan iyo Taliyaha Ciidamada Daraawiishta Mudane Gen Yaasiin Cumar Dheere.

Madxda Dawladda Puntland waxaa degmada badhan ku soo dhoweeyay Gudoomiyaha Gobolka sanaag, Saraakiisha laamaha Amniga iyo Bulshada rayadka ah qaybeheeda kala duwan.

Waftigan Dawladda Puntland imaanshahooda degmada BADHAN ayaa salka ku haysa shaqooyin kala duwan oo ku aadan Gobolka sanaag.

Wasiirka Maaliyadda ahna Gudoomiyaha gudiga dib uhabaynta Ciidamada, Wasiirka Amnig iyo Taliyaha Ciidamada Daraawiishta ayaa dhankooda qaban doona diwaan galinta Ciidamada ku sugan Gobolka sanaag.