Hot Topics

Madaxweyne Farmaajo oo ku hoyday Asmara & Abiy Ahmed oo isaga soo duulay

Ra’isul Wasaaraha Itoobiya Abiy Axmad ayaa dib ugu laabtay magaalada Addis Ababa ee dalkiisa Itoobiya, kadib kulan Saddex Geesood ah oo maanta ay kuwa wada yeesheen magaalada Asmara Dhigiisa Eretria iyo Soomaaliya oo looga dhawaaqay Isbaheysi cusub.

Madaxwaynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo ayaa wali ku sugan Eretria kadib heshiiska, waana habeenkii 4-aad oo madaxweynaha uu ka dhaxo dalka Bishan Gudaheed.

Sidoo kale, Madaxweyne Farmaajo ayaa bishan janaayo saddex safar dalka uga baxay, isagoona horey 11 bishan u tagay Asmara oo uu Labo habeen ku hoyday, halka 13 bishan uu tagay Dalka Cummaan oo uu ku hoyday Habeen.