Hot Topics

Sanaag: Puntland oo diiwaan-gelinta Ciidanka ka bilowday Degmada Ceel-buh (VIDEO)

Gudoomiyaha Golaha Golaha Wakiilada Dawladda Puntland, Cabdirashiid Yuusuf Jibriil, oo ay wehlinayaan Wasiirka Maaliyadda ahna Gudoomiyaha gudiga dib uhabaynta Ciidamada Puntland Xasan Shiree Abgaal, Wasiirka Amnig Cabdisamad Gallan, Wasiirka Waxbarshada C/llaahi Maxamed Xasan iyo Taliyaha Ciidamada Daraawiishta ayaa Daah-furay Diwaan galinta Casriga ee Ciidmada ku sugan Degmada Ceel-buh ee Gobalka Sanaag.

Madxdan ayaa Saraakiisha iyo Ciidamada xog- dheeraad ah ka siiyay faa’idooyinka Diwaan-galinta Casriga ah ee ay Dawladdu wado, waxaana xarumaha Ciidamada ee Degmada Ceel-buh la geeyay Kooxaha qaabilsan diwaan-galinta iyo Caafimaadka Ciidamada Dawladda.

Sidoo kale, Masuuliyiinta uu hoggaamiyo Guddomiyaha Baarlamaanka Puntland ayaa booqday Xeryaha Ciidamada, waxana ay Ciidamada u balan-qaadeen in ay helidoonaan mushahar koooda iyo dhamaan wixii agab ah ee ay u baahan yihiin.